Jidadka Muqdisho oo lagu xeray nalalka dadka iyo gaadiidka kala hago ee Samaafaraha: SAWIRRO
(Calanka.com) - Posted at 04/10/2013
By Webmaster
Tijaabadii ugu horeysay ee maamulka Gobolka Banaadir u qaaday dhinaca horumarka Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo bandhigay Nalal Cadceeda ku shaqeeya ee kala haga Baabuurta iyo dadka ee loo yaqaan Samaafaro.


Tijaabadan ayaa noqotay mid lagu guuleystay, iyadoo lagu rakibo doono 54 Isgoys ee Gobolka Banaadir ama magaalada Muqdisho ku yaal.

Nalalkan ayaa waxaa Maamulka Gobolka Banaadir ka taageeraya Shiinaha, iyadoo ay qaadan doonto rakibaada mudo Sedax bilood ah.

Darawalada Muqdisho ayaa heli doona tababar iyo casharo ku saabsan Samaafaraha, maadaama dadka intooda badan ay burburkii 22-ka sano qaarkood kusoo koreen oo aysan arkin samafaaro xiligii dowladdii hore.Samaafaro2

Sidoo kale dhalinyaro tiro badan ayaa shaqo abuuris loogu sameyn doonaa howshan, iyagoo si gaar ah loogu tababari doono.

Darawalada gaadiidleyda oo inta badan sharciyada ilaalin ayaa hadda waxay suuragelineysaa in ay raacaan tilmaamaha iyo sharciyada rasmiga ah ee wadooyinka iyo tilmaamaha samaafaraha oo yareyn doona mashquulka badan ee wadooyinka Muqdisho. samaafaro

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

DHIIBO FIKIRKAAGA


 


 

 

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka
CalankaMedia

.