Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo Turkiga kulamo kula yeelanaya mas`uuliyiinta dalkaas
(Calanka.com) - Posted at 28/04/2013
By Fantastic
Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cisman Jawaari ayaa lagu wadaa in kulamo berito uga bilaawdaan magaalada Ankara oo ay mas`uliyinta dowlada Turkiga wadahadalo kula yeelanayaan .


Wafdigaan ayaa waxaa garoonka magalaada Istanbuul oo ay ka dageen ku soo dhaweeyay mas`uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga oo uu ku jiro duqa magaalada Istanbuul .

Warar ku dhaw wafdigaas ayaa sheegaya in gudoomiyaha baarlamaanka uu berito kulamo uu la qaadanayo berito dhigiisa Turkiga , Ra`isul wasaaraha iyo mdaxweyanaha iyadoo kulamadaas ay kaga hadlayan arimo muhiim ah oo Somaliya quseeya.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in kulankaan uu qeyb ka yahay adkeynta iyo wanaajinta xariirka ka dhaxeeya labada dal oo dhawaanahaan xariirkooda uu aadka u adkaanayo .

 

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

DHIIBO FIKIRKAAGA


 


 

 

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka
CalankaMedia
.