QPR oo 30 sano kadib caawa ku badisay garoonka Stamford Bridge ee kooxda Chelsea
(Calanka.com) - Posted at 03/01/2013
By Mustafa
Kooxda QPR ayaa marki ugu horreysay muddo 30 sano ah kadib kooxda Chelsea ku garaacday garoonkeeda Stamford Bridge ee magaalada London, kadib marki ay isaga horyimadeen cayaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League-ga.


Chelsea ayaa caawa waxaa kanaxsaday islamarkaana rikooorka ka jabiayey ciyaaryahankeedi hore ee Shaun Wright Phillips, kaasoo Chelsea goolka ka dhaliyay daqiiqadi 78-aad ee dhamaadki cayaarta.

Lucky boy: Marko Marin was fortunate not to see red for this challenge on Stephane Mbia

Guuldarrada kooxda Chelsea waxay ku qasbeysaa inay kaalinta afaraad ku nagaati, maadama kaalinat saddexaad ay kala baxday kooxda Tottenham.

Tababare Rafael Benitez ayaana ku hamineyn guuldarrada soo gaartay kooxdisa, waxaana uu cayaarta ka dib sheegay in nasiibka ka hiiliyay.

Kooxda Chelsea ayaa waxaa laga diiday gool ay dhashteen, marki calanwadaha midig uu sheegay inuusan gool ahayn, balse muuqaalka ku celiska ee shaashadda ayaa muujineysay inuu gool nadiif ah ahaa.

Dhinaca kalena kooxda Newcastle United ayaa ciil la hoyatay, kadib marki guuldarro 2-1 ah ay kasoo gaartay kooxda Everton oo ay garoonkeeda ku marti gelisay.

Liverpool na waxa ay 3-0 ku xasuuqday kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Sunderland.

Mustafa Xasan Cali

Calanka Sports Team

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda



 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka
Calanka TV @ 2013