Liverpool ayaa la sheegay in ciyaaryahankan reer England ay kula soo wareegeen lacag dhan 12 milyan oo gini, waxaana uu noqonayaa ciyaaryahanki afaraad ee uu kooxda keeno macalinka haatan leyliyo Liverpool ee Brendan Rodgers.
Daniel Sturridge ayaa lagu wadaa inuu kulankisa ugu horreeyay ee kooxda uu u safto kulanka Axadda ee FA Cup-ka ee ay kooxdisa Liverpool la leedahay kooxda Mansfield.
23 jirkaan ayaa horay ugu soo cayaaray kooxda hantiilayaasha carbeed ee Manchester City, isagoo dhowr sano ka hor ku biiray kooxda heysata koobka Champions League-ga ee Chelsea.
Mustafa Xasan Cali
Calanka Sports Editor
mustafaxasan737@hotmail.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|