Xog: Xisbi siyaasadeed cusub oo looga dhawaaqayo Kampala
(Calanka.com) - Posted at 02/01/2013
By Saadaq
Maalmaha fooda inagu soohaya ayaa looga dhawaaqayaa maagalada madaxda dalka ugaandha Kampaala Xisbi siyaasadeed cusub oo ay kumidaysan yihiin xubnihii ugu badnaa ee ururkii midowgii maxaakiimta, iyagoo Maalmiihii ugu danbeeyeyna ay halkaas gaareen xubno iskugu jira siyaasiyiin iyo weliba ganacsato


Magaca xisbigan ayaa loobadinayaa in loogu waqlalo Xisbiga Horumarinta Islaamka, waxaana soconaya qoraalada iyo Qabanaabada loogu jiro sidii loosoo bandhigi lahaa, ujeedooyinka iyo mabaa,dida ururka. Xeeldheeryaal siyasadeed ayaa shaaca aqaday inuu ururkani damacsan yahay inuu dawladda federaalka ah kula gorgortamo soo acan gelinta ururka Alshabaab oo ah midka kaliya ee diidan dawladda federaalka ah,

wuxuuna noqondoonaa xisbi siyaasi ah mucaradna ah balse gacansaar hoose laleh kooxda (Damuljadiid) oo iyagu ah kuwa xiligan gacanta kuhaya maamulka dawladda Federalka. waxaa magaalada Riyaad ee dalka sacudi arabiya kusugan wafdi uu horkacayo  Wasiiru-dawlaha madaxtooyada soomaliya Dr Faarax Abdulqaadir wuxuuna kala hadlayaa amuuro aan kafogayn nabadaynta dalka iyo sidii ururka alshabaab dawladda loo wadahada siin lahaa.

Hadii aan dib ugu noqono xisbiga cusub ee horumarinta islaamka ayaa waxaa lafilayaa inay jagooyin waawey kaqabtaan shaqsiyaad aad looga yaqaan magaalada muqdisho, qaarkoodna ay soo qabteen xilal dawladed qaarkoodna ay yihiin ganacsato, dhinaca kale xisbigan ayaa lafilayaa inaysan u kala harin kooxdii midowa maxaakiimta islaamiga laysku oranjiray uuna kamid ahaa ururkka alshabaab oo isagu ah midka kasoo horjeeda maamulkasta oo dalka soomaliya laga dhiso.
 
    Waxaana laga dhursugayaa sida uu saaxada siyaasada kusoogalo xisbiga horumarinta islamka.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Sweden Västerås

 

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013