Xiritaanki kulankaasi ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka amniga puntland khaliif ciisa mudan,wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha Cali yuusuf xoosh,maamulka gobolka bari iyo waliba kan dagmada Bosaso .
.jpg)
Nabadoonadii uu manta usoo gaba gaboobmay kulanka qaybtood oo iyagu kahadlay madasha ayaa waxa ay cod dheer kusheegen in lagama maar maan ay tahay in la ilaaliyo amaanka guud ee deeganada puntland .

Gudoomiyaha gobolka bari Cabdisamad Maxamed Galan ayaa sheegay in nabadoonadaan kaqayb galay kulankaan ay ahaayeen nabadoonadii iyagu kashaqaynayay Horumarka iyo amaanka puntland
“Waxaan marka adkaynayna in amniga iyo nabad galyada oo ah waxa aynu kawada shaqayno oo ah waxa aynu umada kudhiiragalinayno oo hadana ah shaqada ugu muhiimsan ee kanaboono ahaan aad haysaan inaad adkaysaan umadana aad kudhiiragalisaan sidii ay u adkayn lahaayeen ,,Sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha gobolka bari Cabdisamad Maxamed Galan .

Sidookale waxaa isna kulankaasi kahadlay wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha ahna siihayaha xilka wasiirka arimaha gudaha Cali Yuusuf Xoosh oo sheegay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin in nabaoonadu ay noqdaan kuwo iyagu bulshada kudhiiri galaiya sidii loo adkayn lahaa nabad galayada oo uu kutimaamay in lagama maar maan ay tahay .

Ugu dambayn waxa halkaasi kahadlay wasiirka amniga puntland Khaliif Ciisa Mudan oo sheegay in siminaarka mudada labada bari ah usocday nabadoonada gobolka bari uusan ahayn mid wax lagu barayo nabadoonada balse uu yahay mid laysku xasuusinayay looguna wacyi galinayay nabadoonada adkaynta nabad galyada .
Maxamed Xirsi Cabdi {jabra}
jabra444@gmail.com
Calanka.com/Puntland
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|