Midowga Africa Oo sheegay in Ciidamadooda Horumar ka sameeyen Dalka Somaliya
(Calanka.com) - Posted at 02/01/2013
By Saadaq
Midowga africa ayaa sheegay in horumar balaaran oo dhinaca amniga ah ka gaadheen hawlgalka Amisom ee dalka soomaliya ay ka wadaan.


Gudoomiyaha ururka Midowga afiraca Nkosazana Dlamini ayaa sheegtay in ciidamada amisom ee jooga somaliya ku talaabsadeen sanadkii hore guulo la taaban karo,waxaana ay ku amaantay ciidamda sida ay ula dagaalameen isla markaasina uga guuleysten kooxaha mucaradka ah.

 
"Ciiidamda Amisom waxaa ay tageen magaaloyin aan horey gacantooda ugu jirin hadana waxaa ay wadaan sidii amni ay ugu soo dabaali lahaayen"ayeey hadalkeeda ku tiri Miss Nkosazana Dlamini oo la hadleysay BBC.
 
Sidoo kale waxaa ay soo qaaday haweneydan madaxa ka ah uruurka midowga africa talaabada ay qaadeen wadamada qaar ee ciidamda u soo diray soomaliya bartamihii iyo dhamaadkii 2012 oo sheegtay in ay uga mahad celinayaan kaalinta muhiimsan ee kaga jiraan amisom.
 
dhinaca kalena Nkosazana Dlamini ayaa ku faantay in ciidamadooda nabad baaxad leh ku soo dabaaleen caasimada somaliya ee muqdisho,iyadoona ku amaantay ciidamada nabad ilaalinta Amisom sida ay u guteen waajibkii ay u tageen soomaliya.
 
Madaxda soomaliya ayaa waxaa ay ku amaantay kaalintii ay ka qaateen sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab oo ah mucaarad ku kacsan dawlada soomaaliya,waxaana ugu danbeyntii ay ku dar'daarantay in wadamada ka maqan Hawlgalkan si dhaqso ah ku soo diraan ciidamadooda ay uga wayb qaadanayaan Amisom.
 
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda



 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka
Calanka TV @ 2013

.

.