Wasiirka difaaca oo magaalada Baydhabo booqanaya
(Calanka.com) - Posted at 02/01/2013
By Admin
Wasiirka difaaca iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaas oo la filayo in ay kulamo kula qaataan saraakiisha ciidamada, maamulka dagmada iyo waxgaradka ku dhaqan Baydhabo.


Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya  C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Taliyaha ciidamada XDS iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Wafdigan ka socda dowladda ee gaaray Baydhabo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka mas’uuliyiinta gobolka Baay iyo ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Socdaalka wafdigan ayaa ah mid ay ugu kuurgalayaan xaalada ay ku shaqeeyaan ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi iyo sidii ay u bilaabi lahaayeen bixinta mushaarka ciidanka.

Socdaalka wasiirka difaaca iyo wafdigiisa ayaa imaana xili ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolkaasi ay la wareegeen deegaano hor leh oo ay ka mid tahay deegaanka Ufuroow iyo deegaanno kale.

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

DHIIBO FIKIRKAAGA


 


 

 

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka
CalankaMedia

.