Tottenham iyo Liverpool oo ku soobiiray tartanka Wesley Sneijder
(Calanka.com) - Posted at 02/01/2013
By Mustafa
Kooxaha Tottenham iyo Liverpool ayaa si rasmi ah ugu soo biiray tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Inter Milan Wesley Sneijder.


Laacibkan reer Holland ayaa waxaa xagaagi hore si weyn u dooneysay kooxda shayaadinta cas ee Manchester United, taasoo ku guuldarreysatay inay ciyaaryahanka la gaarto heshiis shaqsiyadeed.

Laakin haatan kusoo biirista Labadan kooxood ee Tottenham iyo Liverpool ayaa ka dhigeysa inay kooxaha Premier League-ga xiisa u qabaan ciyaaryahankaasi u dhashay dalka Netherland.
 

Wesley Sneijder ayaa marsii horeysay warfidiyeenada u sheegay in ka tagitaankiisa kooxda Inter ee bisha janaayo ay tahay mid suurtagal ah oo dan ugu jirta kooxda iyo isagaba.

Mustafa Xasan Cali
Calanka News Disk

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
 
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013