Safarka maanta waxaa ku weheliya xubno wasiiro iyo xildhibaano iskugu jira,waxaana lagu soo dhaweyay xarunta dalka sudan ee Khartuum.
Madaxda wadanaka suudaan ayaa waxaa ay madaxweyanah ku soo dhaweyen gacmo furan.
Ma jiro wax war ah oo dawlada soomaaliya ka soo baxay oo looga hadlaayo arintani,waxaana madaxweyanah la sheegay in uu ka qaybgalaayo sanadguurada maalintii ay Suudan qaadatay madax banaanida,inta madaxweyanaha uu ku jiro booqashadiisa ayaa la filaayaa in uu la kulmo madaxda dalka suudaan ugu horyo madaxweyne Cumar xasan al-bashiir.
Madaxweyanaha Somaliya ayaa waxaa uu safarkani noqonayaa kii sagaalaad tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyanaha waxaana uu madaxweyanha safaro hore ku kala bixiyay wadamada geeska africa,waxaana haatan la filaaya in uu kala hadlo dawlada suudaan wada shaqeynta labada dawladood.
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|