Gudoomiyaha G/Banaadir oo ka badbaaday dil qorsheysan
(Calanka.com) - Posted at 01/01/2013
By Saadaq
Mid ka mid ah shaqaalaha maamulka gobolka banaadir ayaa loo qabtay in uu damacsanaa in uu dil u geysto gudoomiyaha gobolka Banaadir.


Ciidamada CID dawlada soomaliya ayaa soo bandhigay nin ka mid ah dadka ka shaqeya xarunta maamulka gobolka banaadir oo sheegtay in uu damacsanaa in uu qarax ku dilo Maxamuud axmed Nuur tarsan gudoomiyaha gobolka banaadir.

Ninkani oo lagu soo bandhigay xarunta maamulka gobolka banaadir ayaa qirtay arintani,waxaana uu intaasi raaciyay in ay u soo dhiibeen rag ka tirsan xarkaada al-shabaab,waxaana tasi awgeed uu intaasi raaciyay in ay balan qaad u sameyen kaasi oo tilmaamin waxa uu yahay.

Waa markii ugu horeysan oo la soo qabto ruux si cad u sheega in uu damacsanaa in uu Qarxiyo mid ka mid ah masuuliyiinta ugu muhiimsan dawlada soomaliya,waxaana ninkani haatan lagu hayaa xarunta danbi baarista waxaa la sheegay in la baari doono cida xiriirka uu la leeyahay.

Maaha markii ugu horeysay oo xarkadda al-shaabab soo adeegsato dad ka shaqeya xafiisyada dadka masuuliyiinta ah,waxaana haatan tan ay ku noqotay dadka shacabka ah iyo maamulkaba mid ka yaabisay.

Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013