Soomaalida Norway oo masjid cusub yeelatay (Sawirro/Video)
(Calanka.com) - Posted at 22/12/2012
By Admin
Munaasabadda furitaanka majidka cusub ee soomaalida ayaa waxaa ay maanta ka dhacday caasimadda dalka Norway ee Oslo, gaar ahaan xaafadda Grønland.


Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay culumo badan iyo dadweyne aad u farabadan, waxaana masjidka oo ka kooban sadex dabaq noqday mid ay buux-dhaafiyaan dadka.

Masjidkan ayaa waxaa qarash ahaan ku baxay sida ay sheegeen gudiga lacag dhan 55-milyan oo norsk kroner ah, marki doollar ahaan loo dhigana ay noqoneyso lacag 9-milyan oo dollar kor u dhaafeysa.

DAAWO FILMKA:

Mid ka mid ah culimada oo lagu magacaabo Sh. Xasan Cabdi Mursal, kana mid ah raggii u istaagay dhismaha masjidka islamarkaana ka mid ah masuuliyiinta oo shabakadda warbaahinta Calanka la hadlay ayaa sheegay in dadaalka masjidka uu mudo dheer soo qaatay islamarkaana gudaha iyo dibeddaba loo kaashaday.

Waxaa uu sheekhu intaa raaciyey in ugu dambeyntii Ilaahay ku guuleeyay dhameystirka masjidka oo dhismo ahaan qaatay mudo 2-sanadood ah.

 Umadda Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay masaajidkan dhisatay,  kharashka iyo juhdiga ku baxayna iyagu jeebkooda ka yimid.

 

Ugu dambeyn Sh. Xasan ayaa ugu mahadceliyaya dhamaan umadda Soomaaliyeed intooda gacanta ka geysatay iyo inta aan ka geysanba, waxaana uu sheegay in masjidku uu maanta wixii ka dambeeyo uu u furan yahan dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta oo dhan.

Film/Sawir qaade

Deeq C/laahi

deeqow25@hotmail.com

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013