waxaana afka soomaaliga oo markii hore lagu hadli jiray uu sanadahaasi wixi ka danbeyay uu noqday mid la qoro loogana shaqeeyo xafiisyada dawlada soomaliya,Ardayda dugsiyada wax lagu baro,waxaana xiliyadaasi muuqanayay in soomalida u soo jeedo Afkooda sidii ay u qori lahaayen,C/rashiid Maxmuud waxaa uu ka mid ahaa dadkii xiliyadaasi baranayay Jaamacadaha dalka gaar ahaan jamacada Lafoole.
Waxaana uu Calanka uga waramay sida dadka soomaaliyeed ugu bislaayeen luqadooda oo qoran in ay arkaan,Cabdirashiid ayaa sheegay in ay koox iyagoo ah u baxeen tuuloyin iyo degmooyin badan oo dalka ah sifo loo faafiyo dadkana loo baro luqadooda,waxaana uu qiray in ay dadka soo dhaweyen fahan wanaagsana ka muuqday xiligaasi,
Hadaba markii lagu guuleystay qorista afka hooyo ayaa waxaa guud ahaan uu qoraalka ku faafay wadamada dariska la ah soomaliya kuwaasi oo ay ku nool yihiin soomali badan oo xiligii gumeysiga ku biiray,waxaana si fudud ay u fahmeen una qaateen qoraalka afkooda ay ku hadlaan,markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee soomaliya ayaa waxaa muuqqanayay dib u dhac ku yimid afka soomaaliga waxaana dad badan ay rumeysan yihiin in afka soomaliga uu noqday mid hoos u sii socday oo anay jirin cid si gaar ah ugu da'daashay bad'baadintiisa.
Qalinleyda soomaalida ayaa waxaa aysan ka harin hanuunta dadka gaar ahaan sidii loo weeleyn lahaa afka soomaliga,ururka qalinleyda soomaaliyeed ee PEN waxaa uu ka mid yahay ururada xilka iska saaray sidii loo bad'baadin lahaa afka soomaliga,waxaana PEN marar kala duwan ay qabteen dalal badan oo caalamka ah si loo hayo afka soomaliga dadka ka dhex muuqday badbaadinta afka maaheyn oo kaliya PEN ee waxaaa jiray kooxo abwaana ah oo PEN ka tiran kuwaasi oo u soo joogay Qorista afka door weyna ku lahaa waxaana ka soo qaadan karnaa
Aw-Jaamac Cumar Ciise,Xaaji Maxmed Ibraahim Warsame "Hadraawi"Axmed Faarax Idaajaa,Abwaan Dhoodaan,Maxmed Daahir Afrax iyo rag kale oo Mowdkoodi galay sanadihii la soo dhaafay oo haatan god ku jira,waxaana kooxdan lagu xasuusan qaybta ay ka qaateen horumarinta afka soomaliga.
Munaasabada balaaran oo lagu daah-furayay xuska 40-guurada afka soomaaliga ayaa lagu qabtay maanta Hotelka Cambeski ee Bartamaha caasimada jabuuti,waxaana xaflada furitaanka oo ahayd mid heer sare ah ka soo qayb-galay dhamaan madaxda dalalka lagaga hadlo afka soomaaliga,soo dhaweynta madaxda ayaa waxaa u joogay madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar geele.
Madax ka kala socota somaliya,somaliland,kenya Dawalad deegaanka soomalida dalka itoobiya ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweyay xarunta shirka,waxaana dhamaan ay ka warameen iskana wareysteen heerarkii uu soo maray afka soomaliga, intii xaflada furitaanka ay socotay ayaa waxaa halkaasi ka hadlay qubaro soomaaliyeed oo dhinaca afka ah kana waramay heerarka afkeenu soo maray,waxaana dhamaan ay ka sheekeyen sida loogu baahan yahay in loo horumariyo afka soomaaliga oo haatan u muuqda mid sii guuraya.
Madaxweyanah Dawlada soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxmuud ayaa halkaasi ka jeediyay qudbad dheer oo kaga hadlay sidii loo hirgaliyay afka soomaliga iyo doorkii uu ku lahaa shaqsi ahaan,waxaana madaxweynaha uu hoosta ka xariiqay in da'daal badan loo soo galay horumarinta afka.
"Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii u joogay hirgalinta afka soomaliga,waxaana ku jiray ardaydii loo diray dacalada dalka oo dhan sifo loo cirib tiro Akhris-qoris la'aanta haystay dadka soomaaliyeed,xiligaasi qiimeyn la sameyay waxaa la ogaaday in Akhriska iyo qorista uu gaadhay 55% waxaana markii horey ay ahayd %20 oo ah heer aad u hooseya"ayuu qudbadiisa ku yiri Mudane Xasan sheekh Maxmuud.
Madaxweyanaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraday sida loo bad-baadin karo afka hooyo,waxaana uu sheegay in horumarka Caalamka dhinaca tiknoolajiyada awgeed afka soomaliga sameyay horumar badan,inkasta oo ay iska jiraan caqabado hortaagan balse laga gudbi karo waxana uu si cad u sharaxay in loo baahan yahay Buug Qaamuus ah oo laga helo Ereyada afka soomaaliga mid walba,kaasi oo ay fahmi karaan dhamaan dadka ku hadla afka soomaaliga meel walba oo ay joogan.
isaga oo tusaale u soo qaaday dadka kala jooga Dhulka somalida itoobiya,jabuutiyaanka ku nool xeebta canfarta dariska la ah iyo dadka ku nool Labada wabi ee soomaliya,kaasi oo ah ayuu yiri midka kaliya ee looga gudbi karo in afka kala go'go waxaana uu ku booriyay qalinleyda PEN in ay arintaasi muhiimad gaar ah siiyaan.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed siilaanyo ayaa isaga oo ka hadlay shirka waxaa uu qeexay doorka uu ku leeyahay horumarinta afka soomaaliga madaxweyanaha Jabuuti Ismaaciil cumar geele oo sheegay in uu yahay shaqsi si weyn ugu da'daala horumarinta afka soomaliga,suugaanta soomaliga,sida gabayada iyo qaybaha kale ee kobcinta afka soomaliga.
Shirakani oo socon doona 5-Casho ayaa waxaa lagu soo qaad-qaadi doonaa sida ay muhiim u tahay isku xirnaanta afka hooyo,waxaana qubarada afka soomaliga oo shirkani jooga ay soo saari doonaan inta shirka uu socdo Buugaag kala duwan oo looga hadlaayo afka soomaliga iyo sanadihii ugu danbeyay heerarka u soo maray,abwaanada iyo qalinleyda soomaaliyeed ayaa guntiga u xirtay sidii ay meel iskaga taagi lahaayen marin habaabin ku dhaca afka soomaliga,iyadoo la filaayo marka shirku dhamaado in war murtiyeedyo laga soo saaro lagu horumarinayo afka hooyo ee Qaaliga ah
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
Saadaq89@gmail.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|