Masuulkan ayaa waxaa ku soo dhaweeyay halkaasi madaxda ururka Xamaas oo uu ugu horeeyo r/wasaaraha Xamaas Ismail Haniyeh.
Khaled ayaa markii uu soo gaaray dhulka Falastiin waxaa uu dhunkaday ciidda, waxaana uu ku dukaday salaatul-shukri.
1967-dii ayaa isaga iyo waalidkiis ka qexeen dhulka Falastiin sababo la xiriira dagaallo Yuhuudu ku qabsatay dhulka Falastiin.
Khaled Meshaal ayaa ururka Xamaas ka hogaaminayay dalka Suuriya mudo sanooyin ah, waxaana uu iminka u soo wareegay dalka Masar oo uu ugu dambeyn uga soo gudbay marinka Qaza.
Sirdoonka Yuhuuda ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in ay khaarajiyaan Khaled Meshaal, balse iskudayadaasi waa ay dhixisoobeen.
Imaatinka Khaled ee Qaza ayaa ku soo beegmaya xilli ay dhawaan dheceen dagaal u dhexeeya Xamaas iyo Israel kaas oo khasaaro badan dhaliyay.
Masuulkan ayaa ka qeybgeli doona munaasabad ururka Xamaas ku buuxineyso 25-sano taas oo ka dhici doonta dhawaan Qaza.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|