Kooxaha xalay usoo gudbay wareegga 16-ka ee Champions League-ga
(Calanka.com) - Posted at 06/12/2012
By Mustafa
Kooxda Juventus ayaa u soo gudubtay wareegga 16-ka ee Champions League-ga marki ay hal iyo waxba kaga adkaadeen kooxda reer Ukrain ee Shakhtar Donetsk.


Goolka ay ku badisay kooxda martida ahayd ee Juventus waxa uu ahaa mid ay si qaldan isaga dhaliyeeen kooxda Shakhtar Donetsk, waxaana Group-ka E, kasoo baxay kooxaha Shakhtar Donetsk iyo Juventus.
 
Group- F, waxaa kasoo baxay kooxaha Bayern Munich iyo Valencia, oo guulo ka kala gaaray kooxaha Lille iyo BATE Borisov.
 
Bayern Munich ayaa 4-1 ugu awood sheegatay kooxda ka socotay dalka Russia ee BATE Borisov, halka kooxda Valencia ay si diqi ah hal iyo waxba kaga badisay kooxda reer France ee Lille
.
Group G, waxaa kasoo gudbay kooxaha Barcelona iyo Celtic.
 
Barcelona oo kal hore xaqiijisatay wareegga 16-ka ayaa xalay barbaro gool la,aan ah la gashay kooxda reer Portugal ee Benfica, halka kooxda Celtic ay 2-1 isaga reebtay kooxda ugu hooseysay Group-kan G, ee Spartak Moscow  oo ka socotay dalka Russia.
 
Celtic waxa ay sidaasi ugu gudubtay wareegga 16-ka.
 
Group H, ayaa waxaa ka soo baxay kooxaha Manchester United iyo  Gatalasaray.
 
Kooxda  Gatalasaray ayaa hal iyo waxba kaga adkaatay kooxda Manchester United oo ay marti ugu ahayd garoonka Old Trafford, waxaana ay guushaasi u sahay inay iska xaadiriso wareegga 16-ka, halka kooxda Manchester United ay mar hore xaqiijisatay, maamada aysan waxba u dhimin guuldarradi xalay soo gaartay.
 
Mustafa Xasan Cali
Calanka Sports Team
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
 
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda



 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka
Calanka TV @ 2013