Chelsea oo xalay Nus darsan goolal ah ku xasuuqday kooxda Nordsjealand ee ka socotay dalka Denmark ayaanan natiijadaasi waxba u soo kordhin, waxaana ay ka hartay koobka Champions League-ga oo ay marki ugu horreysay ku guuleystay xilli ciyaareedki hore.
Chelsea ayaa laga dhigay rigooro daqiiqadii 31-aad ee qaybti hore ee cayaarta, marki daafaceeda Gary Cahil uu gacanta ku taabtay kubadda, lakin rigooradaasi waxaaa badbaadiyay goolhayahooda Peter Cech oo xalay hogaaminayay kooxda.
Wax ka yar saddex daqiiqado kadib ayaa Chelsea waxa ay heshay gool ku laad ama Rigooro, marki kooxda Nordsjealand ay iyana gacanta ku taabteen, waxaana rigooradaasi tuuray Eden Hazard, hase yeeshee gool haye Hansen ayaa ka badbaadiyay markiisa.
4 daqiiqo kadib Chelsea ayaa heshay rigooradi labaad marki ciyaaryahanka labmarka 10-aad ee kooxda Nordsjealand uu gacanta ku taabtay kubad uu xeerada ganaaxa ka dhex gamay Jauna Mata, waxaana rigooradaasi usoo istaagay islamarkaana dhaliyay daafaca ku badda ku dagaalama ee David Luiz daqiiqadi 38-aad.
Fernando Torres ayaa Chelsea u sahlay inay nuski saaca ee hore ku nasato,iyadoo hogaanka ku heyso, marki uu u dhaliyay gool daqiiqadi 45-aad.
Marki la isku soo laabtay nuski saaca ee danbe ayaa kooxda martida ahayd ee Nordsjealand ay heshay gool, waxaana u dhaliyay ciyaaryahankeeda Joshua John daqiiqadii 46-aad.
Hayeeshee Cahil ayaa Chelsea u dhaliyay goolka saddexaad, daqiiqadii 51-aad,iyadoo Fernando Torres uu 5 daqiiqo kadib na goolki afaraad dhaliyay.
Oscer iyo Jauna Mata ayaa u kala dhaliyay labada gool ee kale kooxda Chelsea,iyadoo cayaartu ay kusoo dhamaatay 6-1.
Chelsea ayaa sidaan waxa ay ku noqoneysaa kooxdi ugu horreysay ee ku harta wareegga Grpoup-yada,iyadoo heysata ama difaacaneysa koobka Champions League-ga, waxaana ay haatan aadeysaa oo ay ka cayaari doontaa koobka Europa League.
Chelsea ayaa haatan ka awood yar xilli ciyaareedki hore, waxaana guuldarrooyinka xilli ciyaareedkan lagu tilmaamayaa inay sabab u tahay gooldhaliye wanaagsan oo aysan heysan.
Mustafa Xasan Cali
Calanka Sports Disk
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|