Kooxo dibad-baxayaal ah oo ku dagaalamay banaanka hore ee madaxtoyada Masar
(Calanka.com) - Posted at 05/12/2012
By Saadaq
Waxaa markii ugu horesay soo baxay kooxo is mucaaradsan oo ka mudaharadaya magalada qaahira ee xarunta dalka Masar,galinkii danbe ee Arbacada ayaa waxaa mudaharadayaasha iskugu yimaaden banaanka hore ee qasriga madaxtoyada.


War lagu qoray bogga VOA ayaa lagu sheegay in kooxo taageersan madaxweyne Mursi iyo Kuwo ka soo hor jeeda ay caawa ku sugan yihiin Banaanka hore ee qasriga madaxtoyada ee magalada Qaahira,waxaana la Cadeeyay in kooxaha taageersan Madaxweyne Mursi ay la dagaalameen kuwa ka soo horjeeda.
 
Sababta loo dagaalamayo ayaa ah Dastuurka dalka oo madaxweyanah uu sheegay in la melmarin doono iyadoo ay jirto dood adag oo ka imaaneysa kooxaha mucaaradsan meel marinta dastuurka masar,waxaana uu madaxweyana horgeeyay Maxkamda iyo baarlamanka dalka si ay u ansixiyaan.
 
Isku dhacan ayaanay wali cid ka hadlin waxaana arintani ku kala dhexjira ciidamda amaanka Qaahira oo isku dayaya in ay xakameyaan arintani ku soo cusbonaatay xaalada dalka Masar.
 
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
 
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013