Dadka ku dhaawacmay qaraxani ayaa la dhigay cusbitaal ku yaala Bartmaha xaafada Kamagunji,halkaasi oo lagu dabiibayo waxaana soconaya baaritaano xoogan oo booliska Nairobi ay ka wadaan xaafada islii,warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan dad ciidamada ay ka qabteen halka qaraxa ka dhacay.
Maaha markii ugu horeysay oo qarax noocan ah uu ka dhaco xaafada Islii,Laba Toddobaad ka hor ayaa qarax lala eegtay bas nooca dadka qaada ah ayaa waxaa ku dhintay Dad farabadan taasi o ka dhasheen rabshado ka dhacay Xaafada islii ee magalada nairobi.
Waxaa hatan yaraaday isku socodka xaafada dhexdeeda waxaana soconaya baaritaano ciidamada ka wadaan wadooyinka,iyadoo warar soo baxaya ay sheegayan in dad laga qabtay wadooyinka xaafada islii
Wixii ku soo kordha kala soco
Calanka.com
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|