Dabeyshan oo roobab iyo Biyo xoogan wadtay ayaa la sheegay in ay meelaha qaar ka sareysay dhulka joog aan la qiyaasi karin,waxaana saacadiiba ay jareysay dhul gaaraya 210-Km,Ciidamda gurmadka deg dega ah ayaa u sheegay AFP in ilaa hadda la xaqiijiyay dhimashada 150-ruux.
Meelaha ay sida weyn duufantan roobka wadata ay u saameysay waxaa ka mid ah gobolada Combostela,Tagum city iyo magaaloyinka qaar ee ku yaala dhulka jogiisa uu hooseeyo,waxaana halkaasi maanta oo arbaca ah galay shaqaalaha gurmadka oo baaraya meeydad hor leh.
Waxaa sidoo kale Xayirmay 80-duulimaad oo ay ku qornaayeen dad gaaraya 3,000 ruux oo ku socday caalamka iyo gudaha dalka filibiin,dawlada wali kuma dhawaaqin gurmad uga yimaada aduunka intiisa kale,balse waxaa ay shaqaalaha gurmadka isku dayayaan in ay xakameyaan dhibaatadan.
Dadka soo barakacay ayaa Habeenimadii salaasada la iskugu geeyay Meel xero ah oo ku taala dhulka joogiisa sareeyo waxaana ilaa iyo hada xeradaasi ku jira 41,000 ruux oo ka kala yimid goobaha dhibaatada ka dhacday,dhimashada ugu badan ayaa waxaa geystay qabow xoogan oo dadka ku dhacay kaasi oo aan horey u soo marin dalka Filibiin.
Mohamed Abdirashid
Calanka.com-nairobi
Source:AFP
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|