Koox burcadbadeed ah oo lagu xukumay dalka Talyaaniga
(Calanka.com) - Posted at 05/12/2012
By Saadaq
Koox Burcad-badeed somali ah oo Ciidamda Nato ka soo qabteen xeebaha dalka Yaman ayaa xukun ay ku riday maxkad ku taala magalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga.


Wakaalada wararka Reuters ayaa maanta qortay in maxkamada La hor keenay kooxdan oo tiro ahaan gaadhaya 11-Ruux oo soomaali ah,waxaana lagu eedeyay in ay weerar ku qaadeen Markab Saliida qaada oo laga leeyahay dalka talyaaniga.
 
Kooxadani ayaa lagu haystaa in ay Rasaas iyo Qoryaha garabka laga gano ku tuureen Markabkan oo lagu magacaabo Valdarno,oo marayay meel xeebaha soomaaliya ka baxsan 250-Miles,kuna dhow xeebaha dalka yaman oo daris la ah soomaliya.
 
Shaqaalaha markabka ayaa sameyay in ay iska difaacan,ka dibna waxaa ay xiriir la sameyen ciidamda Nato ee ka dhowaa sonka,waxaana u soo gurmaday ciidamo ka socda Nato gaar ahaan kuwa talyaaniga,iyadoona lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Burcada iyo Hubkoodi.
 
Dadkan Maxaabista ah ayaan dood ka keenin danbiga loo heysto,waxaana maxkamada Roma ay ku xukuntay Saddex-sano iyo bar Xabsi ah,iyadoona sidoo kale la baadhi doono cida gacanta ka geystay werarkaasi lagu qaaday markabka talyaaniga.
 
Burcadbadeeda soomaalida ayaa waxaa ay weeraro mararka qaar ka geystaan meel ka baxsan xeebaha soomaaliya,waxaana jira waddamo badan oo dood adag ka keenay sida loo wajahayo dhibaatda burcadbadeeda soomaalida ee sii baaheysa.
 
Source: Reuters
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013