inta la xaqiijiyay ilaa iyo hada waxaa ku geeriyoday dagaalkaasi 10-ruux oo dhamaantood ah dhinacyada dagaalamay,waxaana haatan la sheegaya in xaalada dagan tahay,warkani oo soo baxay waabarigii maanta ayaa waxaa ilaa hadda aan wax war ah ka soo saarin Maamul-goboleedka Puntland.
Dhaawaca Ciidamda puntland ayaa la keenay isbitaalka Magalada Boosaso halkaasi oo caafimaadkooda lagu dabiibayo,waxaana la sheegay in ay jiraan dhaawacyo halis ah oo ka dhashay dagaalkaasi,dad xog-ogaal ah oo ku sugan Boosaso ayaa sheegay in dhimashada intaas ka badan tahay.
Puntland ayaa sheegtay in weerarkani ay ka danbeyen kooxaha Al-shabaab oo halkaasi muddo gabaad ka dhiganyay waxaana la cadeeyay in ay jireen waaydan tiro farabadan oo ka tirsan ciidamda AL-shabaab o ku sii wajahnaa Buuraleyda Galgala.
Xaalada deegaanada lagu dagaalamay ayaa haatan dagan,waxaana ciidamda puntland ay ku sugan yihiin halkii lagu soo weeraray,ciidamo xoojin ah ayaa gaadhay Biyo Mareenka SUGURE halkaasi oo la sheegayo in ay ka jirto xaalad kacsan.
Maaha markii ugu horeysay oo halkaasi dagaal ka dhaco dawlada Puntland ayaa dhowr goor oo hore sheegtay in ay soo afjartay kooxaha dagaalka kula jira ee ku sugan dhulka buuraleyda Galgala,waxaana Puntland ay soo bandhigtay Hub iyo saanad Milatari oo ay sheegtay in laga qabtay kooxahaasi,balse waxaa wali jira dagaalo adag oo kaga imanaya Ururka AL-shabaab oo Qayb ahaan ku sugan Buuraleyda Golis.
Mohamed ABdirashiid
Calanka.com-Nairobi
Saadaq89@gmail.com
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|