M/weynaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Ankara, Turkey
(Calanka.com) - Posted at 05/12/2012
By Admin
M/weynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga halkaas oo ay u tageen casuumaad kaga timid dowladda Turkiga.


Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha dalka Turkiga Abdullah Gull , isagoona kulan kula qaatay xarunta  madaxtooyada "Cankaya Palace " ee magaalada Ankara.

Madaxweyne ayaa lagu wadaa in uu u sii gudbo dhankaas iyo caasimadda Istanbul halkaas oo uu kula kulmi doono r/wasaaraha dalkaasi Racep Tayeb Ordogan.

Ujeedka safarka madaxweynaha oo ay ku wehliyaan wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay casuumaad uga timid dowladda Turkiga taas oo ay ku kala soxooxan doonaan heshiisyo isugu jira dhanka gaashaandhigga, dib u dhiska iyo taakuleynta dowladda.

Waa safarkii ugu horeeyay oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Turkiga tan iyo markii la doortay.

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013