Dhaawaca Taliye Cali gaab ayaa la dhigay Isbitaalka gaarka ah ee Daarul-Shifa waxaana warar soo baxaya haatan ay sheegayaan in dhaawaciisa fududyahay,dhaawaca ayaa ka soo gaadhay dhinaca lugta xaalada taliyahana haatan waxaa la soo sheegaya in ay tahay mid ka wanaagsan sidii markii hore loo maleynayay.
Shaqaaqo ka dhacaday Isbaaro U tiilay Askari ka tirsan dawlada Wadada 21-Octobar ayuu ku dhaawacmay taliyaha,askarigii geystay dhaawacan ayaa ka baxasaday halka uu ku dhaawacay taliye Cali gaab,wararka soo baxaya ayaa sheegaya in askarigani ka dhega adeegay in uu qaado isbaaro u tiilay markaasi ka dibna uu taliyaha xabad ku riday.
Taliyaha oo isagana ka hadlay xaaladiisa ayaa sheegay in uu aad u wanaagsan yahay xaaladiisana haatan tahay mid soo hagaageysa waxaana uu rajo ka muujiyay in uu dhameystiri doono isabaaroyinka qaar ee yaala magalada Muqdisho.
Amar ka soo baxay Madaxweyanaha soomaliya Mudane Xasan sheekh Maxmuud ayaa waxaa uu ku sheegay in si deg deg ah loo qaado Isbaaroyinka yaala magalada muqdisho,sifo dadka shacabka ay si nabad ah ugu adeegtaan dhamaan daafaha magaalada muqdisho.
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|