Wafdiga madaxweyanaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirada Difaaca iyo Maaliyadda dawlada soomaaliya,waxaa sidoo kale wafdigani qayb ka ah Taliyaha ciidamada Xooga dalka Somaliya Mudane Diini,socdaalkan ayaa yimid sida wararka sheegayaan ka dib markii Casuumad rasmi ah ay ka helen dawlada turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa laga xigtay in ay kala hadli doonaan Turkiga sidii loo xoojin lahaa kaalmada turkiga siiyo soomaaliya iyo sidoo kale dib u dhaska Laamaha amaanka dawlada soomaaliya,waxaana horey turki uu soomaaliya uga waday barnaamijyo horumarineed.
Ma Cadda wakhtiga rasmiga ah ee booqashadan socon doonto,balse sarakiil ka tirsan Villa somaliya ayaa laga xigtay in madaxweynaha uu xooga saari doono sidii turkiga ay u sii laba jibaari lahaayen horumarada ay ka wadaan soomaaliya,sida dhismayaasha dawlada oo dayactir ay ka wadaan dawlada turkiga.
Dawlada Turkiga ayaa soomaaliya garab istaagtay ka dib markii Abaar xoogan ay ku dhufatay sanado ka hor waxaana haatan turkiga uu noqday dawlada kaliya ee muujisay taageeradeeda dhinac walba,masuuliyiinta dawlada turkiga ugu sareya ayaa Marar kala duwan waxaa ay yimaaden magaaloyinka dalaka oo dhan.
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|