SPORT: Wesley Sneijder oo go'aan ku gaaray inuusan heshiis u cusbooneysiin Inter Milan
(Calanka.com) - Posted at 04/12/2012
By Mustafa
Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Inter Milan Wesley Sneijder ayaa shaaca ka qaaday inuusan heshiiska u kordhin doonin kooxdiisa.
Ciyaaryahankan oo kulan la qaatay madaxda kooxda Inter Milan ayaa shaaciyay inuu qaatay goian uusan heshiiska ugu kordhineynin kooxdisa Inter oo dooneysa inay ka saxiixato heshiis lagu dhimayo mushaarkiisa.
Sneijder ayaa kulanka kadib soo saaray warbixin kooban oo uu ku faahfaahinayo go.aanka uu ka qaatay heshiiska ay dooneyso kooxdisa Inter, waxaana uu ciyaaryahanka warbixintiisu ku sheegay in xilligan uusan diyaar u ahayn inuu saxiixo heshiis cusub. Kooxda Inter ayaa ciyaaryahanka ka dooneyso inay ka saxiixato heshiis ay ku dhimeyso mushaarkiisa oo ka dhigan inuu garoonka San Siro sii joogo ilaa 2016-ka, halka uu haatan qandaraaskisu ku egyahay ilaa 2015-ka.
Laacibkan reer Netherland ayaa dhawaan la geliyay kursiga keydka ah, waxaana uu ka muuqan waayay garoomada saddexdi todobaad ee ugu danbeysay, kadib marki uu ka madax adeegay wada hadallada ay usoo bandhigeyso kooxda Inter.
Madaxweynaha kooxdaasi Inter Milan Massimo Marotti ayaa raja ka muujinayay in ciyaaryahanka uu saxiixi doono heshiiska loo soo bandhigayo, waxaana goianka Sneijder ay keeni kartaa in kooxda Inter ay bisha janaayo iska iibiso ciyaaryahanka.
Kooxo ay horboodayaan Manchester United iyo P.S.G ayaana doonaya ciyaaryahanka.