Jabuuti oo ciidamo dheeraad ah usoo direysa Soomaaliya
(Calanka.com) - Posted at 03/12/2012
By Saadaq
Dajiraha dawlada Jabuuti u fadhiya dalka soomaaliya mudane dayib Dubad rooble ayaa waxaa uu maanta ku dhawaqay in ciidamo hor leh oo ka socda dalka Jabuuti ay imaan doonaan dhawaan dalka soomaaliya.


Ciidamda jabuuti ee jooga soomaaliya ayaa ku hawlgala magaca Amisom,waxaana uu Danjiraha sheegay in ay sii wadayaan tababarada ay siinayaan ciidamada dawlada somaliya sifo looga hortago kooxaha mucaaradka ah ee dawlada ka soo horjeeda.

 
Dawlada Jabuuti waxaa ay intaasi raacisay in la Qalabeyn doono ciidamda dawlada somaliya si ay u hantaan amaanka guud ee dalka,waxaana dawlada jabuuti sheegtay in ay u dhabar adeegi doonto sidii cagahooda ay iskugu taagi lahaayen ciidamda Xooga dalka soomaaliya sifo ay uala wareegaan dalka oo dhan.
 
"dawlada Jabuuti waxa ay keeni doonta Toddobaadkan gudihiisa 800 ilaa 900 oo Askari kuwaasi oo qayb ka noqon doona Hawlagalka AMisom ee soomaliya,ciidamdan ayaa ka hawlgali doona Gobolka Hiiraan"ayuu hadalkiisa ku yiri mudane Dubad.
 
Hadalka danjiraha ayaa ku soo beegmaya xili Maalintii shalay uu yimid dalka wasiirka gaashaandhiga dalka Jabuuti isagoona la kulmay ciidamda Jabuuti ee ku sugan magalada Baledweyne halaasi uu ku siiyay dar'daaran ku aadan in ay adkeyaan hawlaha ay u joogaan soomaaliya.
 
Ugu danbeytiina Jabuuti ayaa ka mid ah Ciidamda Amisom ee soomaaliya yimid,waxaana ciidamadeeda ay ka hawlgalaan Magalada Baledweyne iyo guud ahaan gobolka hiiraan,halkaasi oo ay ka hayaan hawlaha nabad ilaalinta ee soomaaliya.

Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
 
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013