Munaasibadan ayaa waxa ay kadhaccday xarunta madaxtooyada ee magaalada Bosaso ee xarunta gobolka bari waxaana kasoo qayb galay masuulyiinta ugu saraysa dawlada Puntland oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha dawlada Puntland cabdiraxmaan sheikh maxamed maxamuud faroole ,wasiirka amniga khaliif ciise mudan, wasiirka maaliyada faarax cali shire ,gudoomiye kuxigeenka koowaad ee mudanayasha baaralamanka ,maamulka gobolka bari kan dagmada Bosaso .ganacsato iyo waliba qaar kamid ah bulshada rayidka ah .
Ugu horayn waxaa munaasibaadasi kahadlay sheikh daahr ow cabdi oo kamid ah culimada puntalnd waxana uu sheegay in lagama maar maan ay tahay in loowada istaago sidii loo adkayn lahaa nabad galyada lagama maar maana ay tahay ilaalinta amaanka guud ahaan deeganda Puntland
Gudoomiyaha gobolka bari cabdisamad maxamed galan waxa uu kamid ahaa masuuliyiinti kahadshay madashaasi waxana uu sheegay in maamulka kajira hada Puntland uu wax badan uu qabtay oo horumar ah
Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa dhankiisa ku booriyey dadweynaha inay dowladda kala shaqeeyaan sugida amaanka iyo nabadgelyada si horey loogu ambaqaado horumarka la tiigsanayo.
Madaxweyne Cabdirixmaan ayaa sheegay in dhisamaha Garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso ay u hayaan lacag dhan 5-milyan oo doolar oo lagu dhameystirayo Garoonka,ganacsatada ayuuna madaxweynuhu ku booriyey inay ka qayb qaataan dhismaha dalka iyo kaalmeynta qoysaska tabaaleysan iyo kuwa agoonta ah
Intii ay socotey xafladu ayaa lagu soo bandhigey Filim Muuqaal ah oo ka sheekeynaya Puntland geediga ay u soo gashey Hanaankan siyaasadeed iyo halka loo jeedo loogana gudbo nidaamki qabaliga ahaa .
Dhawaan ayay ahyd markii uu madaxwayanaha dawlada Puntland cabdiraxmaan maxamed maxamuud faroole uu soo gaaray magaalada Bosaso isagoona uyimi magaalada Bosaso sidii uu kulamo ulaqaadan lahaa qaybaha kaladuwan ee bulshada kudhaqan magaalada Bosaso .
Maxamed Xirsi Cabdi (Jabra)
jabra444@gmail.com
Calanka.com/Puntland





.jpg)
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|