Ururka Somali Youth Network (SYN) oo waalidiinta Soomaalida Oslo u qabtay saminaar
(Calanka.com) - Posted at 26/11/2012
By Admin
Talaadadii 20.11.2012 waxay Somali Youth Network (SYN) waalidiinta Soomaalida ee magaalada Oslo, dalka Norway u qabatay saminaar.


Saminaarkaas oo si wanaagsan loo soo agaasimay, ayaa wuxuu ku saabsanaa wadashaqaynta uu waalidku la yeelanayo iskuulaadka ay caruurtoodu dhigtaan. Saminaarkaan ujeedadiisu waxay ahayd 3 arimood oo kala ah:

 

 a) In waalidiinta lagu baraarujinayo, muhiimada ay leedahay wada shaqaynta ay iskuulada la yeelanayaan

b) In la kordhiyo aqoontooda xagga sharciga iyo waxyaalaha ay xuquuqda u leeyhiin, iyo sidoo kale waajibaadka saaran iyo waajibaadka iskuulaadka saran.

c) Iyo ugu danbayn, in ay ogaadaan saamaynta ay wada shaqayntu ku leedahay caruurta, xagga waxbarashada.

Saminaarkaas oo si wanaagsan u dhacay, ayaa waxaa lagu casumay cilmi baarayaal (researchers) ajnabi ah oo ku takhakhusay mawduucaan, iyo sidoo kale aqoonyahano iyo macalimiin soomaali ah (academics & teachers) oo iyaguna aqoon dheeraad ah u leh mawducaan laga hadlayay.

Aqoonyahanadaas waxaa ka mid ahaa, khudbadii ugu horaysayna jeedisay Brit Steinsvik oo ka ah macalin sare & cilmi baare (lecturer & researcher) machadka sare ee Oslo (Oslo & Akershus University college), kuna takhakhustay cilmiga is dhexgalka (multiculturalism). Brit waxay si gaar ah uga hadashay, sharciga waxbarashada ee Norway, iyo sida waalidka loogu baraarujinkaro in ay qayb muhiim ah ka qaataan waxbarashada caruurtooda.
Brit waxay sheegtay in sharciga waxbarashada oo si gaar ah u quseeyay mawduucaan uu qeexayo in wadashaqaynta iskuulaadka iyo waalidku ay tahay mid khasab ah (Påbud). Sharcigaan wuxuu iskuulaadka amrayaa in ay si toos ah ula shaqeeyaan waalidiinta ay caruurtooda wax barayaan.
Waxay kaloo xustay in ay waajib ku tahay iskuulaadka in ay sida ugu wanaagsan ay waalidka ugu fududeeyaan wadashaqayntaas. Tusaale ahaan; haddii waalidku uusan luuqada garanyn, waxaa iskuulaadka waajid ku ah, waalidkuna uu xaq leeyahay in loo qabto turjubaan.

Sida daraadeed waxay dhiiri galisay in waalidku ka qayb galaan kulamada iskuulka (foreldremøte) iyo dhamaan kulamada la xariira iskuulaadka iyo waxbarashada. 
Brit waxay hadalkeeda ku soo gabagabaysay: in ay waalidiintu fiiro gaar ah u yeeshaan wadashaqaynta iyaga iyo iskuulka ka dhaxaysa, taas oo faa’iidooyin badan u leh arday kasta. Haddii bay tiri  ”ay hagaagto wadashaqaynta waalidka iyo iskuulku, waxaa ka dhasha faa’iidooyin aad u badan oo ay ka mid tahay, ardayga oo ku fiicnaada waxbarashada, ardayga oo ku dega iskuulka iyo sidoo kale cilaaqaad wanaagsan oo dhexmara ardayga iyo macalinkiisa.

 
Ugu danbayn waxay waalidiinta u soo jeedisay, in ay bartaan luuqada norwiijiga, oo ay tiri ” Haddii aad barataan luuqada norwiijia, waxaad fahmaysaan dhamaan waxa hareerihiina ka dhacaya”.
Waxaa kaloo ka mid ahaa aqoonyahanaddii casharka ka baxshay saminaarkaan, Zahra Ali Osman. Zahra oo ah qof Soomaaliya wax ku soo baratay, Norwayna daganayd kana shaqaysay wakhti dheer. Zahra waxay aqoon dheeraad ah u leedahay, kana soo shaqaysay arimaha qoyska iyo kobcinta ilmaha (Familiekonsulent). Zahra waxay carabka ku adkaysay muhiimada ay leedahay in waalidku la shaqeeyo iskuulaadka. Sidoo kale waxay carabaabtay muhiimada ay leedahay iyo waalidku wadashaqeeya (Aabaha iyo hooyada), waayo «reer hal dhinac ka socdaayi ma noqonayo reer dhamaystiran». Zahra waxay dabajoogtay, dhawr cilmi baaris la sameeyey.
Cilmi baarayaashii la casumay, waxaa kaloo ka mid ahaa Anders Bakken oo cilmi baare ka ah hay’ayada (NOVA). Anders waa cilmi baare ku takhakhusay waxyaalaha ku saabsan dhalinyarada, si gaar ahna cilmi baare uga ah arimaha ajnabiga. Anders wuxuu sheegay in bulshooyinka guulaysta ay ka mid yihiin bulshooyinka isku xiran, oo iyagoo dhaqankooda haysta noqda kuwa hormara dhinac kasta oo bulsho. Halkaas waxaan ka arkaynaa in isku xirnaanshuhu keeno waxyaalo faa’iidooyin i leh caruurteena. Sidoo kale wuxuu Anders sheegay in caruur badan oo ajnabi ahi, ay waxbarshada uga wanaagsan yihiin dhigooda noorwiijiga. Anders wuxuu qudbadisii ku soo gabagabeeyey ” in ay aad iyo aad muhiim u tahay in waalidku caruurtooda tuso in ay wax ka sugayaan ” expectations”, caruurta waa in mas’uuliyad la saaraa, waayo cilmis baaris badan oo la sameeyey waxay na tusaysaa in arinkaasi saamayn wanaagsan uu ku leeyahay caruurta”.
Aqoonyahanada la casumay, waxaa kaloo ka midahaa Abduqadir Khaliif oo ah macalin wakhti dheer ka soo shaqeeyey iskuulada Norway ayaa sheegay in ay 25 -50% boqolkiiba konton ay waalidka ku xiran tahay in ilmihiisu waxbarashada ku guulaysto. Sidaa daraadeed buu yiri, waa in aan caruurteena maalgashanaa, oo noqonaa waalid soo saraa dad waxtar iyo aqoon leh oo aan mustaqbalka ku xisaabtamikarno. Abdulqadir wuxuu ka dhawaajiyay in macalimiintu ay fiiro gaar ah u yeeshaan caruurta waalidkood si wanaagsan ula socdaan, sidaa daraadeed, waa muhiim in iskuulku ama macalimiintu ogyihiin in aad caruurtaada waxbarashadooda aad la socoto. Macalin Abdulqadir wuxuu yiri
 
waa in aad ka fakartaan waxaa idinku aad caruurtiina u samayn kartaan, oo kaliya ha ka fakarina waxa iskuulku u samayn karo”. Abdulqadir wuxuu ka dhawaajiyey in iskuulaadka ajnabigu ku badan yahay hadda dhaqaalahoodu uu aad u xun yahay, kuwa norwiijiga kaliya dhigtaana, lacagtii ka badatay. Taas wuxuu sabab uga dhigay, firfircoonida waalidka ajnabiga ah oo aad u yar, taas waxay sababaysaa in aan iskuulaadka caruurtoodu dhigtaan aan dan saas ah laga galin, waayo buu yiri soomaalida ayaa ku maahmaahda ” NINKII AAMUSAY, HOOYADIISBA QADISAY”.
Gunaanad;
Saminaarkaan oo ahaa mid noociisu ku cusub yahay bulshada ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan. Dhamaan dadkii ka soo qayb galay waxay mahad kal iyo lab ah u soo jeediyeen ururkii soo qaban qaabiyey oo ah Somali Youth Netwok (SYN). Aqoonyahanadii iyo dhamaan dadweynihii meesha ka hadlay ama fikradooda ka dhiibtay waxay sheegeen in saminaarkaan  aad loogu baahnaa. Dadweynihii iyo aqoonyahanadiiba waxay ururka (SYN) ku adkeeyeen in saminaarkaan oo kale la badiyo oo ugu yaraan 2 jeer sanadkiiba la qabto.

AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN!

Maamulka Somali Youth Network

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013